Muqdisho-RisaalaFM- Ciidanka loo yaqaan Minishiibiyada ee qaabilsan qaadista canshuuraha Bariga, ayaa caqabad waxa ay ku noqdeen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, iyaga oo ciidankaasi awood u sheegta Bulshada qaybahooda kala duwan.
Askariga ka tirsan ciidamada Minishiibiyada ayaa subax kasta u shaqo taga xaafaddaha Magaalada Muqdisho, isaga oo ugaarsi ku haya dhisme yar oo lagu sameynayo qaybo ka mid ah guryaha ku yaal Magaalada Muqdisho ama dayactir xittaa guriga lagu sameynayo.
Hab dhaqanka ciidanka ayaa ah guriga hortiisa ama goobta ganacsiga horteeda haddiiba ay ku arkaan Shamiindo qasan inay ka qaadaan lacag cadadkeeda uu badan yahay, qofkii aanan dhiibina ay ku handadayaan hubka ay wataan ciidanka.
Qof ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin ciidanka Minishiibiyada oo u dhaqma sidii maleeshiyaad oo kale oo xittaa haddii canshuurta la siiyo aanan dhiibeyn warqad cadeynaysa inay qaateen canshuurtaasi oo guriga dhismaha ka socdo mar kale Askari aanu imaan karin.
Ciidamada Minishiibiyada ayaa caqabad weyn ku ah Bilicda Magaalada Muqdisho oo haddii dadka aysan ciidankaasi ka walaacsaneyn qof kasta gurigiisa ayuu si qurux badan u dayactiran lahaa, iyadoo aaney jirin walaac badan oo ciidamada ay ka qabaan.
Ka sokow guryaha ay dhibaatada ku hayaan iyo goobaha ganacsiga waxaa intaasi sii dheer inay dhibaato ku hayaan dhalinyarada shaqo abuurka ka sameysatay Magaalada Muqdisho oo Mootooyinka Bajaajta wata, kuwaasi oo inta ay qabtaan ka qaata lacag aanan sharci aheyn oo u muuqata inay tahay mid baad ah.
Maamulka Gobolka Banaadir oo ay hoostagaan ciidamada Minishiibiyada ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabtaan arrimaha ku aadan tacadiga ciidamadan ay u gaystaan dadka shacabka ah ee Muqdisho ku nool.



