Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Hassan Shekh Mahmud ayaa maanta waxa u dhambaal ka guddoomay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Jordan Cabdalla A-thani Ibnu Xuseen, , kaas oo uu ka siday boqorka dalka Jordan Bqor Cabdalla A-thani Ibnu Xuseen
Boqorka ayaa waxaa u dhambaalkan u soo wakiishay inuu garsiyo Madaxweynaha Soomaaliya Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maalgashiga dalkaasi Dr Jawaad Al-anaani oo maanta yimid magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaalkaasi uu ka guddoomay Dr Jawaad Al-anaani kadib, waxa uu uga warbixiyey sida Boqortooyada Jordan ay u daneyneyso xoojinta iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay, sidoo kale waxa uu ammaanay doorashooyinka Soomaaliya ka socda oo uu ku tilmaamay ham cusub oo loogu gudbi karo nidaam Dimuqoraadiyaddeed oo buuxa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey Boqorka dalka Jordan dhambaalka uu u soo diray, waxa uu sheegay in labada dal ay yihiin walaalo taariikh ay ka dhaxeyso, sidoo kale waxa uu xusay madaxweynuhu in la joogo waqtigii uu bilaaban lahaa dedaalka Jordan ay uga qeyb-qaadaneyso horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maashaariicda wax soo-saarka iyo adeegyada kale.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa salaan u diray boqorka Jordan, isla markaana ballan qaadey in dib loo hagaagin doono xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida ugu dhaqsiyaha badan.



