Halkee ayuu ku wajahan yahay James Rodriguez? Kubadsameeyaha reer Colombia ayaa ka tagi kara kooxda Real Madrid kadib markii koobka kooxaha adduubnka ay ku guuleysatay kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu.
“Ma xaqiijin karo halka aan ku biirayo marka aan ka tago kooxda Real Madrid ayuu yiri 25-sano jirkaan mar uu saxaafada la hadlayay.
Waxaan toddoba maalmood ka fakirayaa mustaqbalkayga kooxda, Waxaan ku faraxsanahay in Madrid aan ahay, laakiin waxaan doonayaa in aan u ciyaaro kooxda ayuu hadalkiisa raaciyay.
Waxaan leeyahay dareen ah in aan u dhaqaaqo koox aan ka heli karo boos joogta, aayuu yiri kabtanka qaranka Colombia”,
Shabakadda caanka ah ee Goal ayaa shaacisay halka uu ku biiri karo ciyaaryahankii hore ee Banfield, Porto iyo Monaco marka uu ka tago kooxda Real Madrid.
Inter
xiisaha Inter ee James ayaan aheyn wax cusu Sb, iyadoo kooxda ka dhisan Serie A ay rajo ka leedahay la wareegida xiddiga reer Colombia xagaagan, laakiin ciyaaryahanka ayaa ugu dambeyntii cadeyn kara mustaqbalkiisa bilowga January.
Los Blancos, ayaan u arkin ciyaaryahanka mid muhiim ah tan iyo markii Zinedine Zidane la wareegay shaqada kooxda ka dhisan caasimada Spain.
Chelsea
Chelsea ayaa dooneysa in ay isku dhisto si adag bisha January, waxaana la aaminsan yahay in ay ka dhigi doonaan bedelka Oscar oo ka tagaya kooxda marka uu furmo suuqa.
Shabakada Goal ayaa ogsoon in kooxda ugu dhaw ee uu ku biiro karo James ay tahay kooxda ka dhisan England ee Chelsea.
Sidookale kooxaha Manchesterb United iyo PSg ayaa ah dooq kale oo uu ku biiro karo laacibkaan


