Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen iyo Siyaasiyiin kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay dadaallo kala duwan oo la doonaayo in lagu sii daayo Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka uu kala hadlay sii deynta Wadada Roobow oo Muqdisho ku xiran.
Waxaa uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay in uu dib helo xorriyadiisa, islamarkaana uu dib ugu soo laabto magaalada Baydhabo.
Roobow ayaa ku xiran Magaalada Muqdisho, waxaana soo xiray dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii uu Baydhabo ka bilaabay Olole ku aadan Musharaxnimadiisa xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed.
Soo xiristiisa waxaa ka dhashay Banaanbaxyo ay ku dhinten dad badan,kuwaasoo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.