Iyadoo uu qorshaha uu yahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga in uu ka furmo shirka looga looga hadlayo hiigsiga soomaaliya islamarkaana lagu cadeynayo go,aanada rasmiga ah ee ka dhaceysa Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa masuuliyiin kala duwan oo shirkaasi ka qayb galaya in ay ka duulaan magaalooyinka dalka Soomaaliya, halka qaarkoodna ay ku sugan yihiin dalalka dibadda.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo qayb ka ah xubnaha ka qayb galaya shirka ayaa maanta ka duulay garoonka diyaarada ee magaalada Kismaayo.
Isagoo la sheegay in uu sii mari doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadibna uu tagayo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Wafuud kale oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay sii tagay garoonka diyaraadaha ee Jomo Kenyata waxaana hogaaminaya Reysalwasaaraha Soomaaliaya Cumar C.rashiid.
Shirkan oo ah mid looga hadlayo hiigsiga Soomaaliya waxaa ka qeyb galaya dowladdo badan oo daneeya arimaha Soomaaliya iyo sidoo kale xubno kale oo ka socota beehs caalamka.
Dowladda Canada ayaa dhowaan waxa ay shaacisay in ay ka qeyb galeyso shirka iyadoo sidoo kalana dowladda Suudaan ay qeyb ka tahay dowladaha ka qeyb galaya shirkan.
Madaxweynayaasha maamulada Puntland Galmudug iyo Jubbaland ayaa iyaguna waxaa la filayaa in ay u amba baxaan dalka Turkiga si ay shirkaasi uga qeyb galaan.


