Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa ay goordhow gaareen Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Wafdiga oo ka ambabaxay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaaa Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay,mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa saacadaha soo socda waxa la filayaa in uu kulan la qaato Ra’iisul WasaarahaSoomaliya Xasan Cali kheyre oo maalmahaan ku sugan Magalada Dhuusamareeb, isaga oo kala hadli doon in uu yimaado deegaanada Hir-Shabeelle Ra’iisul Wasaaraha.
Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magalada Baladweyne,isaga oo halkaasi u tegay khilaaf sabab u ahaa xilka qaadistii uu ku sameeyay guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo diiday xilka qaadistaas wallow sabtidii uu ugu dambeyn xilkii wareejiyay.



