Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan goleyaasha dowladda Fedraalka Soomaaliya.
Socdaalka madaxweynaha Galmudug ayaa la xiriira xal u helida arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo ka qeyb geli doona shirka wadatashiga ee uu dhawaan ku baaqay Madwxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Horay waxaa Magaalada Muqdisho ugu sugnaa Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle halka Madaxweynayaasha Jubnaland iyo Puntland ay shuruud ku xireen imaanshaha Muqdisho.



