Cumar C/Rashiid o ku baaqay in guddi loo saaro Shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya kana mid ah Xildhibaannada Aqalka sare ee waqtigooda dhamaaaday ayaa ka hadlay shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada muqdisho, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Cumar Cabdirashiid Cali sharmaake oo qoral soo dhigay baraha bulshada waxaa uu dalbaday in Guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro barista shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada muqdisho, oo uu sheegay inay ahaayeen kuwo halis ah.

“ Mustaqbalka dalka ayay u wanaagsan tahay in la dhiso guddi dhex-dhexaad ah oo xaqiiqada kala saara soona baara dhacdooyinkii 19-kii Bishan Febaraayodhacay ee sabaaby inay iska hor-maadyo ka dhacaan muqdisho ayuu yiri”  Cumar Cabdirashiid.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya kana mid ah Xildhibaannada Aqalka sare  Cumar Cabdirashiid waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in laga baaqsado gacan ka hadalka.

Habeen kahor Muqdisho waxaa ka dhacay dagaal dhex-maray Ciidamo ka wada tirsan dowladda, kuwaas oo kala ahaa kuwo ilaalo u ah Madaxweynayaashii hore ee dalka ee Sheekh Shariif & Xasan sheikh & Ciidamo kale, kuwaas oo Midowga musharixiinta ay sheegeen inay soo weerareen labada Madaxweyne.