Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Cadaado

Cadaado-RisaalaFM- Madaxeynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay gaareen Magaalada Cadaado ee xarunta KMG-ka ah ee Maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Odayaal, Haween, Dhalinyaro iyo xubno kale.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxeynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Axmed Jaamac (Bashiir Goobe).

Madaxeynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin heshiiskii Maamullada Puntland iyo Galmudug, Arrimaha Doorashooyinka iyo waxyaabo kale.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug heshiiskii Magaalada Dubai in uu ahaa mid taariikhi ah, oo Maamullada Puntland iyo Galmudug dhexmaray.