DHAGEYSO: M/weyne ku xigeenka Puntland oo kulan la qaatay saraakiisha Amniga

Garowe-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Eng. C/xakiim Xaaji C/laahi (Camey) oo kulan looga hadlayay amniga la qaatay saraakiisha amniga ayaa hadal u jeediyey cutubyo ka mid ah Ciidamada Difaaca ee Puntland kuwaas oo si gaar ah loogu xilsaaray sugida Amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in looga baahan yahay in ay adkeeyaan amniga goobahaas, isagoo sheegay in ay awood buuxda u leeyihiin in ay si rasmi ah gacanta ugu qabtaan cid kasta oo ay u arkaan in ay caqabad ku tahay hanaanka Doorashada Soomaaliya.

Eng. Camey oo la dar daarmayay Ciidamadan wuxuu sheegay in ay Puntland ay tartartan kula jirto Maamullada kale ee Dalka ka jira, waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo amniga.