Madaxweynihii dalka Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa goordhow la xaqiijiyay in uu geeriyooday, isaga oo jiray da’da 92 sano,sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka qaarkood.
Shalay oo aheyd Arbaco ayaa la dhigay Isbitaal,kadib markii sida la sheegay uu xanuunsaday,hayeeshee saraakiisha dalkaas aysan shaacin nooca uu yahay xanuunkiisa, iyada oo ugu dambeyn uu Maanta geeriyooday.
Beji Caid Essebsi ayaa ahaa madaxweynaha ugu da’da weyn dunida,waxaaana uu ku guuleystay doorashadii ka dhacay Tunisia kaddib kacdoonadii ka dhacay dalalka Carbeed.



