Xidigaha Reer Masar una Ciyaara Kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa soo gaaray Magaalada Nairobi Isago booqan doona goobaha lagu xanaaneeyo Caruurta yar yar ee Agoomaha Ah ee dalka Kenya.
Sidoo kale xigigaan ayaa waxaaa lagu wada in oo booqdo Xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Qaxootiga ugu tirada badan Qaarada Afrik oo ay qeyb ka yihiin dad Soomaali ah.
Booqashada Salaah ayaa kusoo aadeysa xili Dadka ku nool Xeryaha Qaxootiga ay ka cabsi qabaan in la Xiro Dabayaaqada Sanadkan Gudahiisa,kadib markii Kenya ay ku dhawaaqday inay xireyso Bisha Agoosto ee soo socota.
Dhadhaab waxa ku nool qaxooti ka kala yimid dalalka Bariga Africa Sida, Somalia, Konfurta Sudan, Afrikada Dhaxe, Koongo, Rwanda. Uganda iyo Ethiopia.



