Madaxweynaha Azerbaijan oo sheegay in gaaska iyo shidaalka yihiin “hadiyad Eebe”

Madaxweynaha dalka sanadka marti geliyay shir-weynaha cimilada COP29, ayaa madaxdii ka soo qeyb galayshirkaas Qaramada Midoobay u sheegay in shidaalka iyo gaaska ay yihiin “hadiyad Eebe”.

Madaxweynaha Azerbaijan, Ilam Alived ayaa dhaliilay “wararka beenta ah ee waddamada reer galbeedka” isagoo sheegay in dalalka aan lagu eedeyn” inay leeyihiin keydka shidaalka adkaha ah.

Dalkaas Azerbaijan ayaa qorsheynaya inuu ballaariyo wax soo saarka shidaalka ilaa saddex meelood meel tobanka sano ee soo socda.

Intaa kadib, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antono Gutteres, ayaa shirka u sheegay, in laba jibaarinta shidaalka adkaha ah ay tahay “wax aan loo baahnayn”.