Tirada cod-bixiye yaasha Soomaaliland oo korortay

Iyadoo Dadweynaha Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta dooorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo tan ururrada.

Doorashada maanta ayaa waxyaabo badan kaga duwan kuwii hore Somaliland uga dhici jiray.

Waxaa sanadkan kordhay tirada dadka codkooda dhiibanaya, taas oo kor u dhaafay hal milyan oo codbixiyayaal ah.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf,  ayaa sheegay, in guddiga ay sanadkan si wayn u diyaar garoobeen maaddaama tirada codbixiyayaasha ay kordheen oo ay howl badan u taallo.

“Tirada codbixiyayaasha kama dambeysta ah ee xaqa u leh inay codeeyaan waxaa weeye 1,227,48 qof, goobaha laga codeynayana waa 24,650 goobood” ayuu yiri Muuse.