Ciidanka NISA oo soo qabtay Rag ku eedeysan dilka seddax qof oo ganacsato ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo qabtay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali oo ku eedeysan inay seddax qof oo ganacsato ah ku dileen 28 October 2024 degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa sidoo  kale ayaa ku dabajira eedeysane 3-aad oo la sheegay in dilalkaas uu wax ka geystay.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maalmihii ugu dambeeyay dad  badan oo ku eedeysan dilka muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo qabtay magaalada Muqdisho iyo Nawaaxyigeeda , taas oo shacabka aad u soo dhaweeyeen kuna tilmaameen talaabooyin wanaagsan.