Shacabka Soomaaliland oo saakay u dareeray Goobaha Cod bixinta

Shacabka Somaliland  ayaa saakay u dareeray Goobaha codbixinta doorashooyinka Madaxtinimo ee maamulkaasi.

Ammaanka goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan ayaa la adkeeyey ayadoo dhammaan dhinacyada tartamayana ay shacabka ku booriyeen iney si nabad ah codadkooda u dhiibtaan.

Dadweynaha ku nool magaalooyinka waaweyn ee  Somaliland ee kala ah Hargeysa, Berbera, Boorama, Burco iyo Gibileey ayaa aroornimadii hore ee saakay safaf dhaadheer loo galay iney codadkooda dhiibtaan dadweynaha waxaana doorashadaasi oo ay ku tartamayaan 3 xisbi Siyasaadeed oo u tartamaya Madaxweynaha, halka toban ururna ay u tartamayaan iney xisbiyo noqdaan.