DHAGEYSO: Madaxweynaha Ahlusunna oo soo gaaray Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhexe Saadaq Sheekh Yuusuf, iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamaulkaasi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, oo uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedka wafdigan ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen wada hadalka ay garwadeenka ka tahay Dowladda Federaalka ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay wada hadalkan in ay rajeynayaan wada hadalkan in uu ku soo dhamaado guul iyo gobonimo.