DHAGEYSO: Maxkamadda Ciidamada Q.S qeybta 60-aad oo xukun riday

Baydhabo-RisaalaFM- Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybta 60-aad ayaa maanta xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Askarigan xukunka dilka ah lagu riday ayaa dhowaan bartamaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ku dilay qof shacab ah oo ka mid ahaa Ganacsatada Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa shan sano oo xabsi Ciidan ah ku riday nin lagu eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-shabaab, kaasi oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada amniga.

Guddoomiyaha Maxakamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Qeybta 60-aad Sheekh Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda.