Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in xalay la dilay madaxii howlgelinta Ururka Al Shabaab ugu qaabilsanaa Gobolka Hiiraan, kadib markii dagaal ka dhacay deegaanka Luuq jeelow lagu dilay Sarkaalkaasi.
Dilka Sarkaalkaan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen Maleeshiyaad hubaysan oo taageersan Dowladda Somaliya, Shabaabna dagaal adag kula jira, kuwaasi oo ku sugan qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Maleeshiyaadka hubaysan ayaa Sarkaalkaan waxa ay ku dileen deegaanka Luuq Jeelow oo ku yaalo Galbeedka Magaalada Baledweyne.
Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Cabdi Aaden, wuxuuna Shabaabka u qaabilsanaa howlgelinta ciidamada Shabaabka ee Gobolka Hiiraan, waxaa lala dilay Sarkaalkaan labo kale oo Shabaab ka tirsan.
Deegaano ku yaalo Gobolka Hiiraan waxaa ku sugan Maleeshiyaad hubaysan oo isbaabulay kuwaasi oo ka soo horjeeda Ciidamada Shabaabka ee Gobolkaasi ku sugan.


