Madaxda sare ee dalka oo Maanta ka qeyb gashay Aaska Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda ka tirsan heer Federaal iyo heer D. goboleed kala qayb galay, Salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle oo soo noqday Wasiir, Duqa Muqdisho iyo Ergey Madaxweyne, kuwaas oo dhammaantood uu ugu shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door ka soo qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo soo noqday Wasiir, Duqa Muqdisho iyo Ergey Madaxweyne, kuwaas oo dhammaantood uu ugu shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Janaasada Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS,Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol.