Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan la qaatay Saraakiisha Hawlgalka Amniga Caaasimada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto, Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee Howlgalka Ciiltire ka wada Caasimadda.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa Sidii loo dardar galin lahaa Sugida Amniga Caasimada, Maadaama, muddooyinkii dambe uu ka socday howlgalka Ciiltire ee la dagaalanka Alshabaab , Burcada hubeysan iyo  Maandooriyaha.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo taliyaha Boliiska qeybta guud ee Gobolka Banaadir G/sare Macallin Mahdi.