Waxaa maanta la filaaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug in ay kulan ku yeeshaan Madaxweynaha Maamulka Puntlland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kulankaas oo looga hadli doono colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo.
Kulankan ayaa la filaaya in ay goob joog ka noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyoo xubno kale.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa labadoodaba ku sugan Magaalada Gaalkacyo.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug.


