Mahadaay-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya caawa Degaanka lagu magacaabo Buurame 3-KM ujira Degmada Mahadaay ee Gobolka Shaeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Dab uu ka kacay Kaalin shidaal oo halkaasi ku taalay.
Dabkan ayaanan ilaa iyo hada aan la ogeyn waxa uu ku bilowday, waxaana uu geystay khasaare hantiyadeed.
Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Dabka in uu baabi’iyay kaalinta shidaal iyo sidoo kale goobo ganacsi oo halkaasi ka akdhowaa.
Dhanka kale Xoghayaha arrimaha bulshada Degmada Mahadaay Maxamed Nuur Iftiinshe oo la hadlay Risaala ayaa sheegay dabka in uusan geysan khasaare nafeed, balse kaliya uu geystay khasaare hantiyadeed, sidoo kalena lagu howlan yahay damintiisa.
Gaadiidka dab damiska ayaa gaaray goobta uu dabka ka kacay, waxaana ay wadaan dadaalo lagu daminayo dabka halkaaasi ka kacay.


