Madaxda Galmudug oo isku khilaafsan arrimaha Khaliijka

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxda Maamulka Galmudug oo isku khilaafay Khilaafka wadamada Khaliijka kadib War Saxaafadeedyo ka soo kala baxay Xafiisyada Madaxda sare ee Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa taageeray Wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana war Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa lagu sheegay in Galmudug ay taageereyso Sacuudiga iyo Imaaraadka.

War qoraalka ah sidoo kale waxaa lagu sheegay sababta Galmudug ay u taageertay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta in ay tahay xiriir wanaagsan oo kala dhexeeya.

Go’aanka Madaxweynaha Glamudug waxaa ka soo horjeestay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi (Carabey), Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, waxayna taageereen mowqifka dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka.

Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in aanan lagala tashan warqadii ka soo baxday Madaxtooyada maamulka Galmudug ee uu ku saxiixnaa Madaxweyne Xaaf.

Warka qoraalka ah ayaa waxay ku sheegeen in Galmudug ay ku mowqif tahay dowladda Dhexe, ayna taageerayaan dhex dhexaadnimadii ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.

Sidoo kale masuuliyantan ayaa warqada ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in aysan jirin meel heerarka maamul ee Dowlad goboleedka Galmudug go’aan uga gaaray war-murtiyeedka warbaahinta lagu faafiyay.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa markale ku celiyay go’aanka Dowladda Soomaaliya ee khilaafka Khaliijka, waxaana ay sheegeen in Dowladda dhexdhexaad ay ka tahay arrintaasi, iyaga oo soo saaray Afar qodob oo ku wajahan khilaafka Khaliijka Carabta.

1. Golahu waxey si adag u ayideen mowqifkii Dawladda Federaalka ee bishii Juun 2017 ee qeexayey in Soomaaliya ay door dhexdhexaad ah ka taagan-tahay muranka wadamada khaliijka qaarkood, una aragto in khilaafka jira lagu xaliyo si nabadgelyo ah oo ay wallaaltinimo iyo diblomaasiyad ku dheehan tahay.
2.Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ku guuleysatay wadashaqeynta Dawladda Dhexe iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyadoo qabatay labo shir lixdii bilood ee ugu danbeysey, taasoo ay muhiimadeedu aheyd ka wada shaqeynta xoojinta amniga iyo midnimada qaranka.
3.Sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Dowlada Federaalka oo kaliya ayaa awood u leh go’aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.
4.Soomaaliya weligeedba doorkeedu waxuu ahaa in aynaan waddamo wallaalo ah la kala safan oo marwalba laga shaqeeyo wadajirka waddamada Carabta, Afrika iyo kuwa Islaamka ah. Doorkii Soomaaliya ee Heshiiskii Camp David ee dhamaadkii 70-naadkii waxuu ahaa in Soomaaliya ay diidday in xiriirka loo jaro dalka Masar, taas oo keentay in markii danbe ee ay waddamadii Carbeed heshiiyeen in go’aankeenii dhex-dhexaadka ahaa la wada ammaanay. Sidoo kale go’aankan muranka wadamada Khaliijka qaarkood oo Golaha Wasiiradu maanta mar-labaad ayiday, waxaa soo dhoweeyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo weliba beesha caalamka.

War saxaafadeed kale oo xalay ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa lagu eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya inay fara gelin ku heyso maamulkooda, waxaana gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyeen in fara gelin xambaarsan dhiilo qabiil ay ku hayaan.