Madaxa shaqaalaha aqalka cad oo xilka ka dagaya

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in madaxa shaqaalaha ee aqalka cad John Kelly uu xilka ka dagayo dabayaaqada bisha soo socoda.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta u sheegay in ciddi beddeli lahayd Kelly uu go’aan ka gaari doono maalmaha soo socda.

John Kelly oo ahaa janaraal horey uga tirsanaa ciidamada Maariiniska ayaa waxa uu mar ahaa xoghayaha amniga gudaha ee maamulkaTrump.

Madaxwayne Trump ayaa ku tilmaamay Kelly in uu yahay nin wanaagsan.

Bishii aanu soo dhaafnay wakaaladda wararka Reuters ayaa ila wareedyo xafiiska madaxwayna ku xigeenka Mike Pence ka soo xigatay in laga yaabo in xilka madaxa shaqaalaha aqalka loo dhiibo Nick Ayers.

Nick Ayers ayaa imika ah madaxa shaqaalaha xafiiska madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Mike Pence.

Sabtidii madaxwayne Trump ayaa sidoo kale shaaciyay in madaxa ciidamada mareykanka Janaraal Joe Dunford, uu howlgab noqon doono.

Waxa uu bartiisa Tweetarka ku soo qoray in Janaraal Mark Milley, uu badali doono Janaraal Dunford.

Tan iyo intii uu xilka qabtay madaxwayne Donald trump 28 qof ayaa iska casilay xilalkii ay aqlaka cad ka hayeen.