Saxiixa ugu horreeya AC Milan oo soo gaaray gudaha Italy

Lucas Paqueta ayaa soo caga dhigtay magaalada Milan ee dalka Italy si uu u dhammeystiro heshiiska uu ugu biirrayo kooxda AC Milan.

21-jirkan ayaa kasoo duullay magaalada Rio de Janeiro, isagoo soo maray Lisbon isagoo maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Malpensa Airport ee magaalada Milan ku yaallay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan imaado, waxaan Milan ugu soo biirray taariikhdeeda” ayuu yiri Paqueta oo la hadlay weriyeyaasha.

Rossoneri ayaa kula heshiisay naadiga reer Brazil ee Flamengo lacag iib oo dhan €35m oo lagu dari doono €10m oo ku xiran bandhigga iyo wax qabadka uu sameeyo.

Waxa uu caawa xaadir u noqon doonaa kullanka AC Milan ay Torino la ciyaareyso caawa oo uu daawan doono, waxaana kullankiisa ugu horreeya ee rasmi ah uu u safan doonaa Roseneri bisha January ee soo aaddan ciyaarta Finalka Italian Super Cup.

Maalinata berri ah ayuu mari doonaa tijaabada caafimaadka, waxaana la filayaa in kubbad sameeyahan khadka dhexe ka ciyaara uu noqon doono mid wax badan ka caawiya kooxda Macallin Gennaro Gattuso.