Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey u fadhin doonta Soomaaliya Elin Bargithe rognlie.
Danjire Elin Bargithe rognlie ayaa sheegtay inay sii laba laabi doontao adkeynta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Norway.
Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo goobjoog ka ahaa munaasabada uu madaxweynuhu warqadaha ka guddoomay safiirka dalka norway ayaa ka hadlay.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu maanta xafiiskiisa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey gabadha la yiraahdo Elin Bargithe rognlie,madaxweynaha iyo safiirku waxay ka wada hadleen sidii xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Norwey loo sii xoojin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Axmed Ciise Cawad.



