Qarax lagu dilay askar oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

waxaa faahfaahin dheeraad ah ay kasooo baxayaan qarax khasaaro geystay oo lala eegtay ciidamada dowladda dhexe ee Soomaaliya xili ay maraayeen Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw deegaanka Garasbaaleey.

Qaraxaani ayaa waxa uu ahaa Miinada wadooyinka hareeraheeda lagu aaso waxaana uu qabsaday gaari ay wateyn qaar kamid ah ciidamada dowladda, waxaana ku geeriyooday ilaa saddex askari oo saarnaa gaarigaasi qaraxa lala eegtay, waxaana ku dhaawacmay labba ruux oo shacab ah.

Warar Risaala ay heleyso ayaa sheegaya in Askarta geeriyootay meydkooda loo soo qaaday magaalada Muqdisho, iyada oo dadka dhaawacmay la dhigay isbitaal ku yaalla Deegaanka Garasbaaley.

Shabaab ayaa kordhiyay qaraxyada ay ku aasaan wadooyinka hareerahooda oo ay ku beegsadaan ciidamada iyo shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya.