Kulan loogu baroor diiqayayay Allaha unaxariiste Macalin Maxamed Cabdulaahi Xaashi oo ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhiga qaar kamid ah iskuulada ku yaalla Magalaada Beledweyne oo laba cisho ka hor lagu dilay magaalada Beledweyne ayaa maanta waxaa isu soo bax sameeyay Macalimiinta iyo Ardada ku nool Beledweyne.
Qaar kamid ah Macalimiinta wax ka dhigta iskuulada magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegeen in macalin Maxamed Cabdulaahi Xaanshi uu ahaa macalin aad uwanaagsan oo la xusuusan doono.
Sidoo kale Ardadii iyo Macalimiintii kulanka ka hadlay ayaa maamulka gobolka Hiiraan ka dalbaday in cadaalada la hor keeno kooxihii ka dambeeyay dilka Alla ha u naxariiste Marxuum Maxamed Cabdulaahi Xaanshi oo ahaa macalin siweyn looga yaqiinay Magaalada.
Shalay ayay aheyd markii taliska ciidanka boliiska magaalada Beledweyne ay sheegeen in ay soo qabteen 4 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyne.