Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ka hadlay laba qarax oo ismiidaamin ahaa oo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ku weerareen Saldhiga Ciidamo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha degmada Baraawe.
Guddoomiye Najax waxaa uu sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo watay laba gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen inay Galaan Garoonka Diyaaradaha Baraawe balse laga hortagayo,waxaana uu sheegay inay ku dhinteen Xubnihii waday Gawaarida.
“Naftood halligayaal watay 2-gaari oo waxyaabaha qaraxa ay ku ra-ranyihiin ayaa isku dayay in ay gudaha u galaaan Garoonka Diyaarada Baraawe,
marka laga soo tago in iyaga ay dhinteen ma jiro qasaare kale oo ka dhashay qaraxa ayuu yiri”Guddoomiye Najax.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee gacanta ku haya Gatooonka ay yihiin kuwo ka hortaagan inay soo galaan Garoonka.
Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay qaraxyadaas ayaa waxaa ay sheegeen in ay weerareen Saldhiga Ciidamada AMISOM,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.



