Maamulka Puntland oo war ka soo saaray go’aankii dowladda dhexe ee Imaaraadka

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeedsaday go’aankii dowladda federaalka ee ahaa in dowladda Soomaaliya ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay kula jirtay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Bayaan ay  soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay “in Puntland ay leedahay masuuliyadda ilaalinta, laalista iyo waxkabadlka heshiisyada hormarak taabana”.

Puntland waxay xustay in heshiiyadaas qaar ka mid ah ay gacan ka gaystaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Daacish & Al-shabaab, iyo sidoo kale la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya ee halista ku ah adduunka.