Maamulka Puntland oo 18 sano jirsaday

Garoowe-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa maanta 18 sanno jirsaday, waxaana Caawa lagu qabanayaa Aqalka Madaxtooyada ee Puntland xaflad weyn oo ay ka qeyb galayaan inta badan Mas’uuliyiinta ugu sareysa ee maamulka Puntland, xubno ka tirsan Labada Gole ee maamulkaasi iyo  Marti Sharaf lagu casuumay.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad gaar ah u jeedin doona shacabka Puntland, isagoo diirada saaraya ilaa iyo hada waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadiisa.

Boqolaal Dadweyne ah oo ku labisan Calanka Puntland iyo kan dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa lagu arkayaa gudaha magaalada Garoowe ee Puntland, waxaana ay isugu hambalyeynayaan qiimaha ay maalintan leedahay.

Waxaa maanta aad loo adkeeyay amaanka deegaanada uu ka taliyo maamulka Puntland oo maanta looga dabaal degayo 1-da August oo ah markii la Aas aasay Maamulka Puntland.

Saraakiisha ciidanka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shalay ay bilaabeen in ciidamo ay geeyaan goobaha lagu wado in ay ka dhacaan Munaasabadaha, si looga hortago weeraro laga filan karo in ay ka yimaadaan Shabaab.