Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha Dowladaha Hoose Iyo Dib U Heshiisiinta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee koonfur galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi Ayaa Xilkii ka qaaday Mudane Cabdifatax Cali Mursal oo hore loogu magacaabey Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo maaliyadda ee degmada Baydhabo Isagoona Magacaabey Mudane Yuusuf Barre Maxamed.
Cabdifatax Cali Mursal ayaa xilka Gudoomiye ku xigeenka waxaa loo Magacaabay Shan maalin ka hor, mana la shaacin hadda sababta xilka looga qaaday.




