Maamulka Kaxda oo dib u dejin u sameeyay Barakacayaal hor leh “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka degmada Kaxda ayaa weli ku mashquulsan xal u helida iyo maareynta noloshooda barakacayaasha ku sugan degmadaasi iyo kuwo kale oo marba marka ka dambeysa ku soo biiraya degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi ayaa sheegay dhowaan in ay dib u dejin u sameeyeen barakacayaal hor leh oo soo gaaray degmada, kuwaasi oo uu sheegay in maamulka degmada ay siiyeen Boosas ay degaan, oo aan lagula xisaabtameynin.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha ka maamul ahaan in mar walba ay wadaan qorshooyin wax loogu qabanayo dadka ku soo barakacay degmadiisa, kuwaasi oo wata caruur aad noloshooda ay u liidato, loona baahan yahay in gar gaar deg deg ah ay helaan.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa waqtigiisa ugu badan wuxuu ku bixiyaa sidii uu ula socon lahaa xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin barakacayaasha ku sugan degmadiisa.

Maanta oo Khamiis ah Guddoomiyaha ayaa kormeer ku sameeyay goobaha ay degan yihiin Barakacayaasha, wuxuuna kormeerkiisa ugu kuurgalay, Cuntada loo kariyo in ay u helaan sida saxda ah, xaaladooda caafimaad, iyo sida uu u socda ololaha naadafadda degmada.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Ismaaciil ayaa Dowladda Federaalka, Hay’adaha deeq bixiyeyaasha, ugu baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka ku dhibaateysan Kaxda, oo xaalad adag halkaasi ay ku heystao.

Degmada kaxda ee gobolka Banaadir ayaa ah degmada keliya ee martigelisay barakacayaashii ugu badnaa ee ka soo cararay colaada iyo abaaraha ka jira gobolada dalka.