Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar dul dhigay Dadka degan Xaruntii hore ee W/ Arimaha Gudaha

Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar culus dul-dhigay dadka degan xaruntii hore ee wasaaradda arrinaha gudaha Soomaaliya oo ku taalla degmada Boondheere, gaar ahaan agagaarka taallada Daljirka Daahsoon.

Afhayeenka maamulka gobolka  Banaadir Saalax Xasan Cumar oo  warbaahinta la hadlay ayaa sheegay   Dadka degan Dhismihii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha la amray in ay uga guuraan halkaas muddo 7 cisho ah,  qoysaska ku nool halkaasna  uu ka dhamaaday waqtigii horay loogu qabtay  in ay uga guuraan xaruntii hore ee wasaarada Arimaha Gudaha oo ahayd muddo laba bilood ah.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hore si qasab ah uga  uga kiciyay dad badan shacab ah Dhismayaal ay muddo badan daganaayeen.