DHAGEYSO:Maamulka Buulo Burde oo ka warbixiyay howlgalo ay sameeyeen

C/Casiis Duurow gudoomiyaha degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan oo lahadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay howlgalo ay ciidmada Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ka sameeyeen degmada Buulo Burde iyo deegaanada ku dhow dhow.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ugu weyn uu ahaa in amniga lagu xaqiijiyo.

Isagoo intaa ku daray in howlgalada ay sii wadi doonaan.

Waxaana dhanka kale uu tilmaamay gudoomiyaha degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan C/Casiis Duurow in howlgalka aan dad lagu soo qab qabanin, balse amaanka oo kaliya lagu sugayey.

Maalmihii u dambeeyay degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socday howlgalo amniga lagu xaqiijinayo kaas oo ujeedkiisa uu ahaa amaanka degmada in lagu sugo.