Kooxda difaacaneysa Copa Amrica, ee Chile waxey ku jirtaa group –ka ay kuwada jiraan xulalka Argentina, Bolivia iyo Panama Copa America 2016.
Chile ayaa ku garaacday Argentina rigoorayaal sannadkii hore markasoo ay ku guuleysteen markii ugu horeysay koobkan.
Waa Sanad guuradii100aad ee horyaalka heerka caalami ee kubada cagta ugu da’da weyn ,waxaana Sanadkan lagu marti gelin doonaa USA oo si isku group noqdeen Colombia, Costa Rica iyo Paraguay.
Uruguay, oo ah xulka ugu guulaha badan koobkaan ayaa la ciyaari doona Jamaica, Mexico iyo Venezuela, halka 2007 xulkii ku guuleystay koobkan ee Brazil uu la kulmi doono Ecuador, Haiti iyo Peru.
2016 Copa America ayaa lagu kordhiyay afar xul oo loogu yeeray qaab marti gelin ahaan ah kubada cagta South American waana markii ugu horeysay tiro intaas l eg lagu soo daro,
tartanka wuxuu bilaabmayaa June 3 ,waxaana kulanka ugu horeeya ciyaaraya marti galiyaasha USA oo kula ciyaari doona Colombia Santa Clara, Californiaoo ku yaala Bariga Rutherford, New Jersey.
Tartanka ayaa loo sameeyay Isku aadkiisa Qaabkan
Group A
United States
Paraguay
Costa Rica
Colombia
Group B
Brazil
Peru
Haiti
Ecuador
Group C
Mexico
Venezuela
Jamaica
Uruguay
Group D
Argentina
Bolivia
Panama
Chile’’


