Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maamulka Ahlu sunna ay ciidamo badan geeyay garoomada degmooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel, xili la filayo in gobolka Galgaduud ay tagaan wafdi uu hogaaminayo safiirkii hore ee dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Ethiopia.
Xiriiro aan la sameeynay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka G/dhexe ayaa waxa ka gaabsadeen in arintaan ay ka hadlaan, waxaana qaarkood oo diiday in Magacooda la xigto ay inoo xaqiijiyeen in Ciidamada loo geeyay Garoomada in laga hortago in aysan kasoo dagin wafdi uu hugaaminayo Siyaasiga Axmed C/salaan oo ay wehliyaan Odayaal kasoo jeeda Degaanka.
Masuuliyiinta xogta aan ka helnay ayaa intaa ku daray in wafdigaas aysan imaanshihiisa ka war heyn maamulka, aysana kasoo dagi karin garoomada ay Maamulaan cid aan lasoo xariirin.
Dhanka wafdiga Axmed C/salaan hugaaminayo oo aan dhankoodana la xiriirnay ayaa ku adkeysanaya iney maanta tagayaan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana warar aan heleyno ay sheegayaan iney ka dagi karaan magaalada Cadaado.
Duulimaadyada diyaaradaha Shacabka ayaa caadi ah oo aysan arintaan saameyn ku yeelan.


