Maamul Cusub oo loo Magacaabay degmada Afgooye

Wasiirka wasaraadda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mohamed Abuukar Cabdi ayaa xilalkii ka qaaday dhamaan Maamulka drgmada Afgooye, isaga oo mas’uuliyiin Cusub Magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa laguu magacaabey Maamulka cusub ee Degmada Afgooye, Abuukar Maxamed Cumar Guddoomiyaha Degmada, Ibraahim Xuseen Saalax Guddoomiye ku xigeenka Amniga, Mohamed Cali Cadow Jamiil Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda, Cismaacil Aadan Cadow Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada, Cumar Maxamed Cusmaan Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, iyo Ahmed Maxamed Shukri Xoghayaha dowlada Hoose ee Degmada.