Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay kiisaska cudurka COVID-19 ee la diiwaan geliyey 24-kii saac ee ugu dambaysay.
Warbixinta wasaaradda waxaa lagu shaaciyey in xanuunka laga baaray 2, 066oo qof, waxaana laga helay 231 ka mid ah.
Dadkan laga helay xanuunka ayaa kala jooga Banaadir 23, Puntland 21, Somaliland 174, Jubbaland 5, Hir-Shabeelle 1 iyo Galmudug oo laga diiwaan geliyey 7-kiis.
105 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa Rag, halka 126 ay dumar yihiin, sidoo kale 59 qof ayaa 24-kii saac ee u dambeysay ka soo bogsatay cudurka, halka 16 -qofna ay ugu geeriyoodeen.
Tirada Guud ee Laga Helay: 19,235 Bogsashada Guud: 9,250 Dhimashada Guud: 1,79 qof.