Maalinta Cuntada Aduunka iyo Maalinta Beeraleyda oo laga xusay Muqdisho

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ayaa maanta maagalada Muqdisho ku qabatay  laba munaasabadood  oo kala ah Maalinta Beeralayda Soomaaliyeed iyo Maalinta Cuntada Adduunka.

Munaasabadda  waxaa ka qeyb galay  madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya ,Maamul Goboleedyada dalka iyo hay’addo caalami ah.

Sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay dalagyo kala duwan oo ay soo saareen beeraleyda Soomaaliyeed.