Liverpool oo soo bandhigtay qiimaha ay ku doonesyo laacibka AC Milan ee…

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa soo bandhigtay lacag gaareysa £35m ah oo ay ku doonayaan inay kula soo saxiixdaan goolhayaha kooxda AC Milan ee Gianluigi Donarruma.

Reds ayaa dooneysa inay xal u hesho dhibaatada raagtay ee ka heysata shabaqa, iyadoo laga dhaliyo goolal fara badan, sidaas darteed waxa ay la diyaar tahay inay miiska saarto £35m.

Shabaq ilaaliyaha reer Germany ee Loris Karius ayaa waayahan dambe sameynayay bandhig macquul ah isagoo booska koowaad ka helay maamuka Jurgen Klopp, balse lama hubo inuu noqon doono xalliyaha dhibaatada heysata naadiga Liverpool.

Gianluigi Donarruma ayaa tan iyo markii uu ka mid noqday safka AC Milan waxa uu kusoo baxay mid ka mid ah darbo-joojiyeyaasha ugu cajiibsan ee kubadda cagta, waxaana aad loo taxliiliyaa inuu ku socdo waddadii halyeyga Juventus ee Gianluigi Buffon.

Sidoo kale warar hoose oo ay heshay Calciomercato ayaa sheegaya in Reds ay qorsheyneyso inay heshiiska Donarruma ku dari doonto mid ka mid ah laacibiinteeda, balse lama shaacin ciyaaryahankaas magaciis.