Liverpool oo Roma kula dagaallamaysa weeraryahan ka ciyaara Bundesliga

Liverpool ayaa lagu soon warramayaa in ay kooxda ka ciyaarta Serie A kula dagaallamyso xidiga garabka kaga ciyaara Bayern Liverkusen ee Leon Bailey.

Sport Mediaset ayaa fahansan in Roma ay doonayso in saxiixa Bailey ay soo gabagabeeso kahor maalinta jimcaha markaas oo albaabada loo laabi doono daaqadda kala ibiisiga Serie A.

Yeelkeede, Bayern Liverkusen ayaa madaxa xidigan reer Jamaica dul dhegtay adduun lacageed dhan 50-malya oo Euro, balse agaasimaha Roma ninka lagu magacaabo Monchi ayaa doonaya in hoos loo dhigo qiimaha xidigan.