Liverpool oo ka dhigi doonto Emre Can xidigeeda ugu mushaarka badan

Emre Can inuu u qalmo laacibka Liverpool ugu mushaarka badan iyo in kale waa dood kale laakiin markaan rabitaankiisa ayaa shaqeenayo.

Kooxda Liverpool si ay xidiga reer Jarmal heshiis cusub kaga saxiixo waxay u balan qaaday inay todobaadkii siin doonto £200,000 sida ay Mirror ogaatay.

Liverpool sababaha Can ay kaga dhigeyso xidigeeda ugu mushaarka badan ayaa lagu sheegay in Juventus, Man City, Bayern Munich iyo Real Madrid xidigan dabagal xoogan ku hayaan.

Can qandaraaska uu Reds kula jiro wuxuu ku eg yahay 30-ka June 2018, waxaana lagu kalsoon yahay inta uusan xili cayaareedkan dhamaanin in xidigaan Liverpool heshiis cusub ka saxiixi doonto.

24-jirkan ayaa xili cayaareedkan Liverpool u saftay 37-kulan dhamaan tartamada kala duwan wuxuuna dhaliyay 6-gool waxaana la rajeynaa inuu door muhiim ah ka cayaaro kulamada Reds u harsan xili cayaareedkan EPL iyo Champion-ka.