Liverpool ayaa laga yaabaain ay kusoo darto line- Upkeeda ciyaaryahanka khadka dhaxe ee kooxda FC Porto Hector Herrera kaasoo la heli karo dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida uu baahiyay waregeyska reer Portugal ee A Bola.
Herrera, oo 26 jir ah, waxaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu ugu wanaagsan caalamka, laakiin kooxda ku ciyaarta Estadio do Dragao ayaa lacago badan markasta duldhigta ciyaaryahanka.
Napoli ayaa sidookale xiiso xoogan u qabta xidiga caalamiga ah ee dalka Mexico, inkastoo Liverpool ay ugu cadcadahay saxiixiisa.
Wakiilo ka socda Reds ayaa sheegay in haatan kulan ay la qaadan doonan madaxda kooxda Porto, si ay u dhameystiraan saxiixa Herrera.
Herrera ayaa la sheegay in uu xiiso u qabo sii joogista kooxda Porto, laakiin kooxda ayaa dooneysa inay iibiso haddii dalab sax ah loo keeno.



