Liverpool iyo Chelsea oo dagaal dheer kadib bar barro ku kala baxay

Chelsea oo booqatay garoonka Anfiled ayaa ku sigatay inay kasoo badiso Liverpool,laakiin Benkete ayaa caqabad ku noqday kadib markii uu ka dhaliyay goolkii bar-barraha.

Eden Hazard ayaa qeybtii hore gool kaga naxsaday Reds, laakiin ninka ay kasoo wada jeedaan Belgium ee Christian Benteke ayaa isna kooxdiisa gool u dhaliyay daqiiqaddii 90-aad ee dhamaadka cayaarta, sidaas oo 1-1 ah ayaana lagu kala baxay.

Kulankan ayaa waxa uu ka tirsanaa cayaaraha Preamer League oo Labada kooxood uu horey ugu baaqday.