LIVE SUUQA: Manchester United Miyay Ku Dhawdahay Paul Pogba

Jose Mourinho ayaa macquul ay tahay in uu dhameystiro kooxdiisa Manchester United ee uu doonayo inuu ku wajaho Premier League xili ciyaareedka soosocda.

Eric Bailly, Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan ayaa dhamaantood ku biiray Old Trafford xagaagan, halka Paul Pogba sidoo kale bartilmaameedka ugu sareeya weli uu u yahay.

Pep Guardiola ayaa noqon doona mdi si weyn isna u dhisa kooxda Manchester City,kuwasoo hore ugu dhawaaqay saxiixa Ilkay Gundogan iyo Nolito.

Chelsea ayaa la soo wareegtay weeraryahanka reer Belgium Michy Batshuayi, halka Arsenal ay keensadeen Granit Xhaka ka hor furitaankii suuqa kala iibsiga.

Laakiin waxqabad badan ayaa laga filayaa xilli ciyaareedka cusub ee Premier League dhamaan ciyaartooydaasi.

Halkan waxaan idin kugu soo gudbin doonaa sheekooyinkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga maanta oo sabti ah.

Sheekooyin Ugu sareeya Suuqa Maanta

Arsenal ayaa diiday in ay ibiyaan weeraryahanka reer France Olivier Giroud oo wacdaro ka sameeynaya tartanka Euro 2016.

Chelsea ayaan weli ka quusan saxiixa daafaca Juventus Leonardo Bonucci inkastoo Man City ay usoo bandhigeen £ 51m.

Shanghai ayaa qarka u saaran inay soo xero geliyaan xiddiga loogu doon doonista badan yahay suuqa yurub ee N’Golo Kante kasoo dalab £ 35million  ay ka gudbiyeen.

Crystal Palace ayaa soo celisay lacag dhan £ 28million oo looga doonayay Yannick Bolasie oo garabka kaga ciyaara.

Graziano Pelle ayaa aqbalay qoirshe todobaadkii £ 125,000 uu kaga qadan doono Chinese Super League , isagoo Southampton kaga dhaqaaqi doona £ 13m.

Sheekooyinka wargeysyada kale ay Qoreen

Manchester United ayaa ku dhow inay lasoo saxiixdaan xiddiga Juventus Paul Pogba. (Star)

West Brom ayaa diyaar u ah in ay usadex jibaaraan musharakiisa Saido Berahino oo bartilmaameed u ah Stoke iyo Watford (Sun)