Lionel Messi oo ku guulaystay koobkii ugu horreeyay ee Copa America

Lionel Messi ayaa waxa uu soo afjaray sugitaankiisii koobkii ugu horreeyay ee caalami ah kaddib markii Argentina ay finaalka koobka Copa America ku garaacday xulka kubadda cagta ee Brazil ciyaartaas oo ka dhacday garoonka Rio Maracana.

Messi oo 34 jir ah ayaa garoonka isku riday farxad awadeed markii garsooruhu uu ku dhawaaqay seeriga dhammaadka ciyaarta, isla markiiba waxaa ku soo orday saaxiibadii xulka qaranka, markaas oo ay inta ay kor u qaadeen sare u tuureen, sidaasna waxa uu ciyaaryahankaasi ku gaaray heer sare oo isaga iyo dalkiisaba uu gaarsiiyay tartankiisii 10-aad ee heer caalami ah.

Sidoo kale waxa uu Argentina ka caawiyay inay soo afjarto 28 sanadood oo ah markii ugu dambaysay oo ay tartanka qaadaan, Messi-na waxaa loo magacaabay inuu ahaa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka kaas oo uu afar gool ku dhaliyay.

Angel di Maria ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta weliba si qurux badan ayuu u dhaliyay, kaddib markii uu ka faa’iidaystay baas uu u soo dhigay Rodrigo de Paul.