Lionel Messi Oo Diiday In Barcelona Soo Celiso Xiddig Afar Sanno Ka Hor Ka Dhaqaaqay Nou Camp

Lional Messi ayaa si fantastik ah u diidday inay Barcelona ay kusoo celiso Thiago garoonka Nou Camp.

Thiago ayaa ka tagay Barcelona sannadkii 2013, isagoo ku biiray kooxda ka dhisan Bundesliga ee Bayern Munich.

Barcelona ayaa dooneysa inay soo qaadato xiddig qadka dhexe ah si ay uga dhigto bedelka Andres Iniesta oo aan la hubin mustaqbalkiisa ciyaareed.

Kooxda reer Catalan ayaa haatan ka walwalsan qaabka ay kula saxiixan karto Philippe Coutinho, waxaana ay dooneysaa haddi ay ku fashilanto saxiixa wiilka Reds in ay soo celiso Thiago.

Liverpool ayaa ku adkeysaneysa inuusan iib aheyn xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil, kadib markii ay soo diiday dalabkii saddexaad oo ku kacayay 118 milyan oo ginni.

Express Sport ayaa ogaatay in Barcelona ay ka fiirsaneyso dalab afaraad oo £ 130m ah in ay ugudbiso 25 jirka Liverpool Philippe Coutinho.

Sidookale waxaa jira warar kale oo sheegaya in ay ka fiirsaneyso Barcelona sidii ay kusoo celin laheyd xiddigii hore ee Nou Camp Thiago.

Laakiin wargeyska ayaa sheegaya in Messi uusan dooneyn in lasoo celiyo saaxiibkiisa hore ee kooxda Barcelona.

Thiago ayaa hore u sheegay in uusan wax dhibaato ah u arkin haddii uu u saxiixo kooxd Real Madrid mustaqbalkiisa ciyaareed, taasoo la aaminsan yahay inuu ka carooday Messi.