Lionel Messi ma Ciyaari doonaa kulanka furitaanka UCl ?

Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa sheegay in Lionel Messi uu soo laaban karo kulanka ay wajahayaan caawa kooxda Borussia Dortmund furitaanka Champions League

Messi, oo dhaawac kubka ah ku seegay bilowga xilli ciyaareedka, ayaa lagu soo daray kooxda Barcelona in kasta oo aan wali la caddayn inuu ciyaari doono iyo in kale.

Tababare Valverde waxa uu sheegay in Barcelona ay raadineyso inay wixii dhacay ka dib guuldaradii semi-finalka tartankaan ka soo gaartay Liverpool xilli ciyaareedkii hore ay doonayaan inay iska iloowaan.

Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa sheegay in Lionel Messi uu ku soo laaban karo kulanka Borussia Dortmund iyadoo kooxda reer Catalan ay weerar cusub ku qaadeyso hanashada Champions League marka ay Jarmalka ku ciyaarayaan caawa..

Messi, oo dhaawac kubka ah ku seegay bilowgii xilli ciyaareedka, ayaa lagu soo daray kooxda Barcelona ee ciyaari doonta furitaanka Champions League caawa.

Waxaan go’aan ka gaari doonaa xili dambe xaaladiisa kusoo bilaabashada. Isbuucii la soo dhaafay ma aanan hubin inuu ciyaari karo, laakiin waxa uu tababar qaatay labo ama seddex jeer, wuxuuna sameeyay aragti fiican.

Waan arki doonaa ”ayuu yiri Valverde oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeyay kulanka caawa.

Tababaraha Barcelona ayaa diiday inuu cadeeyo 16 jirka Ansu Fati, oo noqday ciyaaryahanka ugu da’da yar ee gool u dhaliya Barcelona horraantii bishaan inuu noqdo kii ugu da’da yaraa ee abid ka soo muuqda Champions League caawa.

“Hadii uu ciyaaro, markaa ma noqon doonto rikoorkaan darteed” ayuu yiri macalinka.

Valverde wuxuu sheegay in kooxdiisu ay raadineyso inay wixii dhacay gadaal u eegin ka dib guuldarrdii semi-finalka UCL kasoo garatay Liverpool xilli ciyaareedkii hore.

“Haddii aad hal maalin xun leedahay, waa lagaa saari karaa tartanka. Waxaa nalaga badiyay kaliya hal kulan xilli ciyaareedkii hore, laakiin wuxuu ahaa kulan muhim ah,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Barcelona ay dooneyso inay ka sii gudubto sannadkan marka loo fiiriyo booskoodii labadii xilli ee la soo dhaafay.

Marc Ter Stegen, Goolhayaha reer Jarmal kaasoo ka soo hoos ciyaaray macallinka haatan kooxda Dortmund Lucien Favre waqtigiisii Borussia Moenchengladbach horaantii mustaqbalkiisa, ayaa ka digay in Dortmund ay tijaabo adag u tahay kooxdiisa.

“Lucien Favre waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican ee aan abid lasoo shaqeeyay, waxaana uu ka fikiri doonaa qaab uu nagu wax yeeleeyo,” ayuu yiri goolhayaha Jarmalka.

”Had iyo jeer way adag tahay in halkaan la yimaado, waxaana had iyo jeer ku dhibtoon jiray halkaan waqtigii aan kusugnaa Gladbach, laakiin waxaan isku dayi doonaa inaan badino oo aan bilow fiican ku bilowno tartanka.”

“Waa garoon cajiib ah, taageerayaashuna waligood waa waalan yihiin, laakiin waxaan isku dayi doonnaa inaan taasi saameyn nagu yeelan.”

Barcelona ayaa laga dhaliyay lix gool afar kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan, laakiin weli guul kauma aysan gaarin meel ka baxsan garoonkooda.

“Waxaan hada leenahay hadafyo badan, waa inaan aqbalnaa taas oo isku daynaa inaan horumar sameyno,”ayuu yiri Ter Stegen.

Khaladaadka aan sameyneynaa way fududahay in la saxo.